408 Views

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo booqanaya dalka Iran, kulana kulamaya Erdogan

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo  booqanaya dalka Iran, kulana kulamaya Erdogan
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqanaya maanta dalka Iran, waana booqashadii labaad ee uu ku tegay dibadda tan iyo markiii uu duullaanka ku qaaday Ukraine bishii February.

Putin ayaa lagu wadaa in halkaas uu la kulmo hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sarkaal Turki ah ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin dhoofinta galleyda, xaaladda Suuriya iyo Ukraine.

Hoggaamiyaha wuxuu xaddiday in uu booqasho ku tegay dalalkii horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukraine.

Bishii June, Putin wuxuu booqasho ku tegay dalalka Tajikistan iyo Turkmenistan- waa dal horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet, waxaana labadan waddan ka ka taliyaa hoggaamiyeyaal kaligood talis ah, saaxib dhaw ayay la leeyiihiin Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post