594 Views

Ruushka oo dacwad ku soo oogay askar uu Ukraine dagaalka uga qabtay

Ruushka oo dacwad ku soo oogay askar uu Ukraine dagaalka uga qabtay
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Guddii baaris oo Ruushka ka tirsan ayaa sheegay 92 askari oo ciidamaada Ukraine ka tirsan in lagu soo oogay dacwad la xiriirta dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Alexandar Bastrykin ayaa wargeyska afka dowladda ku hadla ee Rossiis-kaya u sheegay in ku dhawaad boqol qof oo kale la raadinayo.

Wuxuu sida oo kale shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ku eedeeyey isaga oo wax caddeyn ah soo dhigin iney sameeyeen hubka sida weyn wax u gumaada.

Bastrykin ayaa soo jeediyay in maxkamad caalami ah oo ay taageerayaan waddamada ay ka midka yihiin Bolivia, Iran iyo Syria oo dhammaantood xulafa la ah Ruushka. Ukraine ayaan weli arrinkaa ka hadlin.

Maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ayaa haatan baareyso caddeymo la xiriirta dambiyada dagaalka ay ciidamada Ruushka ka geysteen Ukraine.

Moscow dhankeeda waxay diidday ciidamadeedu iney wax dhibaata ah halkaasi ka geysteen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post