333 Views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay Ceelberde

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay Ceelberde
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 7, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, halkaas oo lagu soo dhoweyey.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidamada., isaga oo kala hadli doona bilaabida howlgallada .

Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool waxaa ka socda u diyaar Garowga Howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab oo la doonayo in looga xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post