1452 Views

Dad isku qoys ah oo ku geeriyooday Hoobiye Magaalada Boosaaso

Dad isku qoys ah oo ku geeriyooday Hoobiye Magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay dagaalka saaka Waberigii hore dib uga billowday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolma Bari, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada  ka Amar qaata Madaxweynaha Puntland iyo kuwa PSF-ta.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla agaarka Masaajidka Salmaan Alfaarisi ee Magaalada Boosaaso ay ku dhinteen, Nin da’ah iyo Gabar iyo Wiil isku qoys ahaa iyo sidoo kale Sheekh Xuseen Mukhtaar Afrax Suudaani oo Cashirka Tafsiirka ka akhrin jiray Masaajiidka Salmaan Alfaarisi.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kala duwan oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso, waxaana weli Magaalada laga maalayaa rasaas goos goos ah oo dhinacyadu isku adeegsanayaan.

Xukuumadda Puntland ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin dagaalka Magaalada Boosaaso, balse Agaasimaha xilka laga qaaday ee PSF ee Maxamuud Cismaam Diyaano uu sheegay inay kujiraan ia difaacid.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post