645 Views

Wax garad Heshiis ka gaaray colaad ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool

Wax garad Heshiis ka gaaray  colaad ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

Wararka ka imaanaya Magalada laascaanood ayaa sheegaya in Guddi ka kooban odayaal iyo waxgarad ku Howlanaa xalinta dagaal beeleed ka dhacay halkaas go’aan ay ka gaareen.

colaaddii ka taagneed Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ayaa si rasmiya u shaaciyeen waxgaradka Deegaankaas in  shir weyne ku saabsan nabadaynta dhinacyadii ku dagaallay degaannadaas la iskugu imaan doono.

Sidoo kale Guddiga wax garadka  ayaa sheegay in shirweynaha la qaban doono 23-da bishaan October 2021, islamarkaana lagu qaban doono caasimadda Garoowe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post