1197 Views

Jubbaland oo ka hadashay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe

Jubbaland oo ka hadashay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 19 2020–Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Waxaa soo dhamaaday kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, kulankan bilowgiisa hore waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha caqabada ku ahaa qabsoomida kulanka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegay inay kulamada sii socon doonaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post