945 Views

Qoorqoor oo farriin u diray Madaxda Jubbaland iyo Puntland

Qoorqoor oo farriin u diray Madaxda Jubbaland iyo Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-18-2020–Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu baaqay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay kasoo qeyb galaan Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay ka muuqatay in uu quus ka taagan yahay Madaxda labada maamul ayaa sheegay in uu socon doono Shirka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay kasoo bixi doonaan go’aamo loo dhan yahay.

Qoorqoor ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ilaaliyaan heshiiskii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’an tahay in Madaxda ka maqan shirka lagu soo daro si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post