1005 Views

Ciidamada Puntalnd iyo PSF oo furay wadooyinka qaar ee lagu dagaalamay magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntalnd iyo PSF oo furay wadooyinka qaar ee lagu dagaalamay magaalada Boosaaso.
____________________________________________________________________________

.


Khamiis: December 23, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in la furay galabta wadooyinka qaar oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada PSF iyo kuwa maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii isku horfadhiyay magaalada Boosaaso la kala qaaday, waxaana la furay qaar kamid ah aaga-gii maalmihii u dambeeyay lagu dagaalamayay, ayada oo meelaha qaar ee magaalada uu dib u furmay isku socodkii.

Sidoo kale Dadweynaha qaarkood ayaa la arkayey ayaga oo tagaya xarunta PSF iyo goobihii lagu dagaalamayay oo isku socodkooda dib loo furay, waxayna u muuqata inay dib ka dhaqan gashay xabad-joojintii shalay lagu baaqay.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay bulshada reer Boosaaso uu waagu ugu beryey sawaxanka rasaas dhaceysa iyo hubka culus, kadib markii xalay saqdii dhexe uu bilowday dagaal aad u culus oo u dhexeeyay ciidamadda Puntland iyo kuwa PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post