375 Views

Booliiska Kenya oo heegan sare la geliyay xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ee muranka doorashada

Booliiska Kenya oo heegan sare la geliyay xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ee muranka doorashada
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

 Dhammaan madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka dhalan karta go’aanka Maxkamadda Sare ee Isniinta lagu dhawaaqayo, taasoo ku beegan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno.

Ku xigeenka booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbugua, ayaa warqad u diray madaxda laamaha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejignaadaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga yeelayo go’aanka maxkamada kadib.

Warqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiyaan xarunta adeegga booliiska Kenya, inta aan la gaarin kahor 3-da galabnimo ee Jimcaha, ee ku beegneyd shaley.

“Iyadoo ay ku xiran tahay go’aanka Maxkamadda Racfaanka Kenya, waxaan fileynaa falcelinno kala duwan oo ay ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha kulul, sida rabshadaha iyo burburka hantiyeed, waxaa la idin farayaa inaad diyaarisaan howlgallo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri warqadda qeyb ka mid ah.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib digniin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, oo ku wajahan muwaadiniinteeda u socdaalaya iyo kuwa ku sugan ismaamulka Kisumu, ka hor inta aan la xukumin Isniinta.

Isagoo ka falcelinaya isla talobixin lamid ah, barasaabka Kisumu Anyang’ Nyong’o, ayaa waxa uu u xaqiijiyay dadka deegaanka ineysan fileyn in wax isbedel ah uu ku yimaado xaalada amniga.

Si kasta oo ay ahaataba natiijada kasoo baxda xukunka ee ku tilmaamay gobolka in ay tahay bulsho nabad ah oo jinsiyado badan iyo isir ah.

“Waxaan ka qabnaa walaac qoraalkan sida gaarka ah u tilmaamaya Kisumu, kaasoo lagu xusay in magaaladu ay ka dhici karaan rabshado, ka dib 5-ta Sebtembar oo la gaarayo go’aanka maxkamadda, kaasoo ku saabsan dacwada doorashada madaxweynaha,” Nyong’o ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu soo saaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post