165 Views

Howlgal nooc cusub ah oo ka billowday Muqdisho

____________________________________________________________________________

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliska ayaa howlgal nooc cusub ah ka bilaabay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo ragga iyo dumarka ku dhaqan caasimada.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsanayaa ragga wata cimaamadaha iyo gabdhaha xiran indho-shareerta, taas oo ay walaac ka muujiyeen reer Muqdisho.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho lagu arkayay ciidamada oo qaadaya tallaabooyin ka dhan indho-shareerka iyo sidoo kale ragga wata cimaamadaha.

Mid kamid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, balse ay kasoo horjeedaan in laga qaado cimaamadaha.

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Baaritaan waa caadi dadkaan waa isku dhex jiraan dhibkooda waa is dhex yaallaa sumad kuuma saarna, laakiin ninkaan tusbixiisa iyo cimaamadiisa wata dhig dhibaato waayay”.

Dhankooda gabdhaha isticmaaha indho-shareerka ee ku dhaqan gudaha caasimada ayaa ka hadlay saameynta arrintan, waxayna farriin u direen dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda waxaan baaq u dirayaaa in gabdhaha ay indho-shareerka loo daayo,” ayay tiri mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadlay Dalsan TV.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo ay joogto u sameeyaan ciidamada amniga, taas oo keentay inay yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray caasimada

_____________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post