1365 Views

Toogasho ka dhacday Isbitaal ku yaalla Chicago

Toogasho ka dhacday Isbitaal ku yaalla Chicago
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 20, 2018 –Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhimatay ka dib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada  Chicago ee dalka Mareykanka.

Afarta qof ee dhimatay labo ka mid ah oo dumar Isbitaalka ka shaqeynaayay, Askari Boolis ah iyo Ninka Weerarka soo qaaday oo Isdilay.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaasi  ay ku dhaawacmeen labo ruux oo Boolis ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Chicago ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay markii ay goobta soo gaareen uu isdilay ruuxii dadka laayay ka dib markii ay dagaallameen muddo Kooban.

Waxaa uu sheegay in ay waddaan baaritaano, islamarkaana goordhow ay warbaahinta la wadaagi doonaan Macluumaad dheeraad ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment