942 Views

Madaxweynaha Galmudug oo kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo  kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

.


Arbaco: September 15, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale ayaa ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan lahayd howlahaas lasoo xusay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post