627 Views

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo Farmaajo ku eedeeyey Bur burka shirkii Teendhada afisiyooni.

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo Farmaajo ku eedeeyey Bur burka shirkii Teendhada afisiyooni.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban todoba qodob ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in carqaladeyn joogto ah uu ku hayo wadahadallada lagu baadi goobayo doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah dalkan uga dhacda.

Guluhu waxa uu qoraalkan ku sheegay in ujeedada uu madaxweyne Farmaajo ka leeyahay carqaladeyntaas ay tahay, inuu sameysto muddo kororsi khilaafsan dastuurka, tallaabadaas oo halis ku ah xasiloonida dalka.

“Goluhu wuxuu ku ammaanayaa madaxda dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socdo, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay,” ayaa lagu yiri qoralka midowga musharaxiinta.

Ugu danbeyntii Golaha oo bogaadiyey dadaalka ay beesha caalarnku ugu jirto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda. Hadii aysan taasi dhicina ay umadda Soornaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynayaan in madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda fashlika ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.

Hoos ka akhriso qodobada:

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post