432 Views

Telefishanka qaranka Iran oo sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal

Telefishanka qaranka Iran oo  sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Telefishanka qaranka Iran ayaa sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal, arrintaas oo keentay fal-celin ka timid Maraykanka. Arrintan ayaa imanaysa ka hor wadahadalada la filayo ee laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Ma cadda xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, hase yeeshee shaac-ka-rogidda ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan. Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaas oo markii ugu horreysay ay dirtay bishii February ee sanadkii hore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post