1452 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka qayb galay Madasha Dooxa

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka qayb galay Madasha Dooxa
____________________________________________________________________________

Dooxa | QOL | December 15, 2018 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka Qatar uga qayb galay madasha sannadlaha ee Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in adduunyadu garaawsato in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xilligaanna ay mudantahay in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qayb gaato horumarinta caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sannadkaan 2018 ayaa kala ahaa amaannka, nabadda iyo dhex-dhexaadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo isbedellada, waxa ayna sannadkaan ahayd sannadkii labaad ee mudane Xasan Cali Khayre uu ka qayb galo.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment