936 Views

Madaxweyne Farmaajo markii labaad ayuu ku guuldareystay inuu doorasho waqtigeeda ku qabto

Madaxweyne Farmaajo markii labaad ayuu ku guuldareystay inuu doorasho waqtigeeda ku qabto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021—Sanadkii 2011-kii ayay xukuumaddiisii ku guul darraysatay in ay doorasho qabato ama ay keento hannaan dalka lagu gaarsiinayo doorasho.

Kaddib heshiiskii Kampala Accord Waxay noqotay in lagu qasbo in uu iscasilo kaddibna la dhiso xukuumad wadaag ah oo dalka doorasho gaarsiisa, waana lagu guulaystay.

Toban sano kaddib, isaga oo Madaxweyne ah ayay mar labaad dhacaysa arrintii.

Maalin ayaa ka dhimman waqtigiisa, lamana oga waxa dhici doona marka waqtiga rasmiga uu ka dhammaado.

Rajada laga qabay inay dalka doorasho heshiis lagu yahay ka dhacdo waxay aheyd 1-5 Bishan Febraayo shirkii Dhuusamareeb oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay la hadlayay Baarlamaanka ayaa u sheegay in shan jeer uu tanaasul ka sameeyay arrimaha doorashada, marna ma uusan soo hadal qaadin waxa uu dhankiisa ka gaabiyay, balse eedda oo dhan waxaa uu u leexiyay Puntland iyo Jubbaland, illaa uu yiri in heshiiskii September 17 inuu soo qortay Madaxweyne Saciid Deni, taasoo mar kale calaamad su’aal gelisay hoggaanimadiisa xilliga kala guurka iyo in dalka doorasho u diyaariyo.

Sidoo kale waxaa uu dusha ugu tuuray eeda dalal shisheeye oo ku lug leh in dalka doorasho ka dhici weydo, inkastoo aanu magac sheegin, balse waxaa la rumeysan yahay in Dowladda qudheeda aanay weyso uga dhowrneyn shisheeye kaashadka.

Haddii mas’uuliyadda laga leexin lahaa Madaxweynaha waxaan ognahay in uu cayriyay xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegaysay in ay doorashada ku qabanayso waqtigeeda si madaxweynuhu uu isagu u hoggaamiyo hannaanka doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble kaalin kuma lahayn arrimaha doorashada muddadii uu xafiiska joogay.

Sidaas darteed, waxaa la dhihi karaa Farmaajo laba mar ayuu ku guul daraystay in uu dalka doorasho uga qabto waqtigeeda waana 2011-kii iyo maanta oo la joogo 2021.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post