1800 Views

Gudoomiyihii Xamar weyne Oo Lasiidaayey Kana Hadalay Xarigiisa

Gudoomiyihii Xamar weyne  Oo Lasiidaayey Kana Hadalay Xarigiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018–Guddoomiyihii Degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye ee dhawaan la xiray ayaa Maanta oo Sabti ah dib u helay xurriyadiisa,isla markaana ka hadlay xarigii loo geystay.

Dhawaan ayaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir waxaa Shaqadii looga joojiyey Guddoomiyihii degmada Xamarweyne,isla amrkaana lagu xiray Xarunta Hay’adda Dambi-barista ee CID-da,balse maanta lasiidaayey.

Muuqaal lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa waxa uu Cumar Shariif Maye ku Sheegay in Shirqool loo dhigay lagu xiray,isal markaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay us oo bandhigi doonaan

Waxa uu cadeeyey in mar walba uu ku taag naan doono Go’aankiisa,Isal markaana marnaba uusan aqbaleyn musuq maasuq,waxana uu sheegay in la doonayo in aan laga casban in qofkii run sheego la xirayo.

In kastoo uusan soo bandhigin cidda ka dambeysay in lasiidaayo ayaa hadan Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in qaab damiin ah lagu siidaayey.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment