1215 Views

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Isbitaalka Kismaayo oo dhaawacyo la geeyay

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Isbitaalka Kismaayo oo dhaawacyo la geeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 13, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka iyo Qaraxii Al-Shabaab  ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

 

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba.

 

Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment