939 Views

Suudaan oo ka hadashay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka

Suudaan oo  ka hadashay  geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka
____________________________________________________________________________

Dowladda Suudaan ayaa war ka soo saartay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn Maxamed Sadiiq oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka, islamarkaana si weyn loo jeclaa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta Suudaan ayaa waxaa lagu faah faahiyey shil gaari oo uu ku dhintay wadaadkaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Umdurmaan.

Ugu horreyn wasaaradda ayaa ka tacsiyadeysay geerida marxuumka oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ay ku xiriirto ee Internet-ka.

Wasaaradda ayaa shaaciyey in sidoo kale ay shilkaasi gaari ay ku geeriyoodeen saddex ruux kale oo la socotay Sheekh Nuureyn oo kala ah: Cali Yacquub, C/laahi Cawad Al-Kariim & Mahad Al-Kanaani, halka dhaawac uu soo gaaray Maxamed Xamdaan Daqlow.

Sheekha oo ka soo jeeda magaalada Baaraa oo ku taalla waqooyiga gobolka Kurdufaan ee Suudaan ayaa Imaam ka noqday Masaajidka ugu caansan caasimada Khartuum.

Suudaan wuxuu Sheekhu ku metalay AUN tartamo Qur’aan aqris ah oo ka kala dhacay dalalka Malaysia & Imaaraadka Carabta iyo wadamo kale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post