903 Views

Maxkamad dalka Yemen oo xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan Donald Trump iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Maxkamad dalka Yemen oo  xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan Donald Trump iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 23, 2021

Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah.

Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen.

Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii Talaadada.

Shakhsiyaadka xukunka lagu riday ayay garsoorka maxkamaddu sheegeen in lagu helay dambi la xiriira ku lug lahaamshaha duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha xulafada Sacuudiga oo sanadkii 2018-kii lagu beegsaday bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA.

Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda.

50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Marka laga soo tago Trump, Boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan, dadka kale ee ku jira liiska shakhsiyaadka toogashada lagu xukumay waxaa ka mid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen.

Garsooraha xukunka ku dhawaaqay, oo lagu magacaabo Riyaad al-Ruzaami, ayaa sheegay in dhammaan dadka dilka lagu xukumay sidoo kale laga doonayo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ayaa kusoo aaday xilli dhawaan sagaal qof lagu fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday.

Qaramada Midoobay, Mareyknaka iyo Ingiriiska ayaa si kala gooni gooni ah u cambaareeyay dilal noocaas ah oo lagu fuliyay gudaha dalka Yemen.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa wiil isagoo aan qaan gaarin gacanta lagu dhigay. Sagaalka qof oo dilkooda uu ka dhacay fagaare ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca ayaa la sheegay in lagu helay dambi ku saabsan inay qorsheeyeen fal sanadkii 2018-kii lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xuutiyiinta.

Ninkaas ayaa ku dhintay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga Carabiga. Xuutiyiinta ayaase aaminsan in ragga la xukumay ay “cadowga” u gudbiyeen xog muhiim ah oo horseedday in Salih al-Samad iyo lix qof oo kale lagu bartilmaameedsado duqeynta.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Yemen oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in sagaalka qof lagu dilay goob ay xaadir ku ahaayeen dadweyne badan.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukunnadaas aan la waafajinin xeerarka caalamiga ah. Midowga Yurub ayaa ku baaqay in cunaqabateyn adag lagu soo rogo Xuutiyiinta.

Yemen ayaa dagaal ku jirtay tan iyo sanadkii 2015-kii. Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii fallaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen maamulka inta badan dalkaas.

Kaddib markii ay kacdoonka sameeyeen Xuutiyiinta, ciidamo shisheeye oo ay horkacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa weerar ku qaaday Yemen si ay dib ugu soo celiyaan dowladdii ka jirtay dalkaas, howlgalkoodana waxa uu sababay dhimashada kumannaan qof oo rayid ah.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 130,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka uu Sacuudiga hoggaaminayo ee ka socda dalka Yemen. In ka badan shan milyan oo qof ayaa halis ugu jira inay gaajo daran u dhintaan.

Meelaha qaar waxaa adag in la geeyo gargaarka bani’aadannimo ee isugu jira cunnada iyo biyaha iyo sidoo kale kaalmada caafimaad ee ay dadka ugu baahan yihiin sida ugu dhakhsiyaha badan.

Wali lama gaarin ujeeddada gulufkii dagaal ee ay xulafada Sacuudiga ku qaadeen dalka Yemen, hase yeeshee waxaa dalkaas gaaray burbur aad u weyn. Colaadda waxaa ku burburay isbitaallo, iskuullo iyo warshado badan oo qayb ka ahaa kaabeyaasha dhaqaalaha.

Qaramada Midoobay ayaa xaaladda ka taagan Yemen ku qeexday xasaradda ugu xun ee bani’aadannimo ee ka taagan caalamka, iyadoo in ka badan kalabar ka mid ah isbitaallada ay burbureen ama albaabbada la isugu dhuftay.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post