1125 Views

Xulka Qaranka Talyaaniga oo markii labaad ku guuleystay Koobka EURO 2020

Xulka Qaranka Talyaaniga oo    markii labaad ku guuleystay Koobka EURO 2020
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Xulka Qaranka Talyaaniga ayaa 53 sano ka dib markii labaad ku guuleystay Koobka EURO 2020  iyagoo rigooreyaal ku garaacay Ingiriiska oo marti loogu ahaa gurigooda.

Kooxda Talyaaniga ayaa ku dabbaal-degay garoonka Wembley ee Magaalada London iyagoo ku badiyey rigooreyaal 3-2 ah, ka dib markii ciyaartiisii caadiga ahayd iyo waqtigii lagu darayba ay ku soo dhamaatay 1-1 barbaro ah.

Ingiriiska oo labadii rigoore ee hore dhaliyey ayaa iska khasaariyey, saddexdii dambe halka Talyaaniga oo laba rikoore laga qabtay ay saddex dhaliyeen, waxaanay sidaas ku qaadeen tartanka Euro 2020.

Talyaaniga ayaa koobkan hore ugu guuleystay hal oo mar oo kaliya oo ahayd sannadkii 1968kii oo laga joogo 53 sannadood, waxaaba guushan sababteeda leh goolhaye Donnarumma oo laba rigoore ka qabtay Jadon Sancho iyo Bukayo Saka, halka uu Marcus Rashford bannaanka mariyey.

Dabaaldegyo waaweyn ayaa caawa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Talyaaniga ka dib markii kumanaan dadweyne ah oo sita calanka dalkaas ay u soo baxeen jidadka, iyagoo ku faraxsan guusha ay kooxda qaranka dalkaas gaartay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post