792 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo Amar-siisay Hay’adaha Gargaarka

Xukuumadda Soomaaliya oo Amar-siisay Hay’adaha Gargaarka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta & musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado daran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Xamza waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ka fatahaday ee Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, baalguri, Beerta Imaaraadka iyo tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye oo ay kamid yihiin Sabiid iyo Caanoole, Baqdaad iyo deegaano kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maareynta & musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sidoo kale sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle ay ka dhaceen tuulooyin hoostaga degmada Balcad oo uu sheegay inay dadkii deganaa ka barakaceen.

Waxaa uu ku amray Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post