969 Views

Qaramada Midoobay oo sheegtay in xadgudubyada lagula kaco carruurta Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo sheegtay in xadgudubyada lagula kaco carruurta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 

Talaado:  June 22 2021

Bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.

Warbixintan oo sanadle ah ayaa qaramada Midoobey ku sheegtay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

Tirada ugu badan ee xadgudubyada halista ah waxaa laga diiwaan galiyay Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post