816 Views

banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda Itoobiya oo ka dhacay Addis Ababa

banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda Itoobiya oo ka dhacay Addis Ababa
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

Tobonaan kun oo qof ayaa maanta ka qeybgalayaa isu soo baxyo ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kaas oo taageero loogu muujinayo dowladda Itoobiya oo waddo dagaal ka dhan fallaagada ka dagaallanta waqooyiga dalkaas.

Mas’uuliyiinta waxay soo qabanqaabiyeen isu soo baxyada dowladda lagu garab istaagayo xilli dagaalyanahada TPLF ay guulo badan soo hoyinayaan, waxaana socdaa dadaallo calami ah oo lagu codsanayo in colaadda lagu joojiyo.

Markii TPLF ay qabsatay magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Amxaarada, waxay u muuqataa jabhadda inay ku wajahan tahay dhinaca caasimadda.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaanno dhaca Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo Itoobiya.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay shacabka ugu baaqday inay diiwaangeliyaan hubka ay heystaan si ay u difaacaan caasimadda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post