378 Views

Qaramada Midoobay “Waxaa loo baahan yahay 2.6 bilyan doolar sii loo caawiyo dad ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya”

Qaramada Midoobay  “Waxaa loo baahan yahay 2.6 bilyan doolar sii loo caawiyo dad ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya”
____________________________________________________________________________


Qaramada Midoobay, hay’addaha gargaarka, iyo dawladda federaalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 2.6 bilyan oo doolar si loo caawiyo dad gaaraya 7.6 milyan oo qof oo ay saameysay abaarta ku dhuftay Soomaaliya.

Qiyaasta 8.25 milyan oo qof oo ah kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan naf badbaadin iyo gargaar degdeg ah, sida ay sheegayaan hay’adaha gargaarka.

Inkastoo laga baaqsaday sanadkii hore in abaaartu isu badasho macluul, haddana waxa la leeyahay haddaan lacagta loo baahan yahay aan la helin, roobka guguna si fiican u di’in, waxa suurtagal ah in macluul looga dhawaaqo Soomaaliya inta u dhaxaysa billaha April iyo June ee sanadkan.

Muqdisho waxa maanta looga dhawaaqay qorshaha ka jawaab celinta xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ee sanadka 2023, iyadoo munaasabadda lagu soo bandhigay ay ka qayb galeen wakiillo ka socday hay’adaha qaramada midoobay, kuwa gargaarka, wakiilo ka socday dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post