687 Views

Magaca cusub ee Facebook oo loo fasiray “dhimasho”

Magaca cusub ee Facebook oo loo fasiray “dhimasho”
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Hadalkii ka soo yeeray shirkadda Facebook ee ahaa in magaceeda ay u beddeleyso Meta ayaa dood ka abuuray gudaha Israa’iil iyadoo eraygaasi uu luqadda Hebrew uga micno yahay “dhimasho“.

Dad badan ayaa barta Twitter-ka waxay ku wadaagayeen fekerkooda ku saabsan magacaas iyagoo adeegsanaya hal ku dhigga #FacebookDead.

Kooxda Zaka ee mutadawiciinta ah ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay, iyagoo yiri: “Ha welwelina, waan ku guda jirnaa”.

Qof kale oo isticmaala Twitter-ka ayaa yiri: “Waad ku mahadsan tahay in dhammaan dadka ku hadla Hebrew aad u soo bandhigto wax ay ku qoslaan.”

acebook ma aha shirkadda keliya ee la kulantay dhibaatooyinka tarjumaadda.

Waxaan idiin soo gudbineynaa tusaalooyin ku saabsan dhibaatooyinka dhanka tarjumaadda.

‘Farahaaga cun’

Markii ay KFC xarumo ka furatay Shiinaha sanadihii 80-meeyadii, hal ku dhiggeeda ah “waa mid aad faraha muudsaneyso'” kama uusan dhaadhicin dadka dalkaas.

Marka hal ku dhiggaas loo tarjumo luqadda Mandarin ee Shiinaha looga hadlo wuxuu la micno noqonayaa “farahaaga cun”.

Balse taasi aad uma dhibin shikradda. KFC waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee cunnooyinka fudud ka ganacsada ee dalkaasi ku sugan.

Digada xoolaha’

Shirkadda Rolls-Royce ayaa magaca gaarigeeda Silver Mist beddeshay iyadoo erayga mist uu luqadda Jarmalka ula micno yahay “saxaro”.

Garaiga waxaa markaas kaddib loo bixiyay Silver Shadow.

Dhanka kale markii shirkadda Nokia ay soo saartay telefoonkeeda Lumia sanadkii 2011, ma uusan helin falcelintii ay sugeysay.

Luqadda Spanish-ka, erayga Lumia wuxuu la micno yahay haweeney jirkeeda ka ganacsata.

Shirkadda Honda ayaa sidaas oo kale ay ku dhici ay rabtay. Waxay qorsheyneysay in gaarigeeda cusub ay u bixiso Fitta, eraygaas oo luqadda Swedish-ka la micno ah xubinta taranka haweenka. Magacaas ayaysan dad badan u bogin.

Durba waa la ogaaday waxaana la go’aansaday in gaariga loo bixiyo Jazz.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post