810 Views

Puntland oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda Soomaaliya

Puntland oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Dowlad goboleedka puntland ayaa shaaciyay in xilligaan lagu dayacay lacagta Shillinka Soomaaliga, isla markaana ay yihiin maamulka kaliya ee sida weyn deegaannadooda looga isticmaalo lacagtaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Cabdi Qowdhan ayaa sheegay in degaannada Puntland loo soo raray lacagaha shillinka Soomaaliga,taasina ay u keentay sicir barar baahsan oo dhinaca sarifka Dollarka ah.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Cabdi Qowdhan inay ku dayacday lacagta Shillinka Somaaliya, isla markaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena Shaqaalaheeda iyo Ciidamada ku siiso Mushaarka.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland  Cabdi Qowdhan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xlli maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland laga cabanayay sicir barar dhinaca dollarka ah, sidoo kalena ay puntland  Guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicir bararka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post