960 Views

Dr. Maxamed Cali Faarax “Annaga oo 250 qoonyahanno ah, ragga Mudulood ee u sharaxan xilka Madaxweynenimada waxaan u gudbinay talo aan u aragnay dhaxalgal”

Dr. Maxamed Cali Faarax “Annaga oo 250 qoonyahanno ah, ragga Mudulood ee u sharaxan xilka Madaxweynenimada waxaan u gudbinay talo aan u aragnay dhaxalgal”
____________________________________________________________________________

Jimco, 15 April, [Qaranimo Online] Dr. Maxamed Cali Faarax [Dr. Juxa] oo ah aqoonyahan ku sugan dalka  Mareykanka, ayaa sheegay isaga & xubno kale  in ay baaq u direen musharixiinta xilka madaxweynenimada Soomaaliya, ee ka soo jeeda beesha Mudulood,  kana dalbadeen in ay ku midoobaan hal musharax, oo ay culeyskooda isugu geeyaan sidii uu ku guuleysan lahaa.

Dr. Juxa oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, isaga oo jooga Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia, ayaa xusay in tira  gaareysa 250 “elite” ah, kana soo jeeda beesha Mudulood ay qoraalo u gudbiyeen xubno musharixiin ah oo ay ka mid yihiin Madaxweyneyaashii hore Shiikh Shariif & Xassan Shiikh ayna u soo jeediyeen tallooyin ay u arkayeen kuwa dhaxal-gal ah.

 “In muddo ah ayaa darseynay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaan qiimeynay culeyska ay yeelan doonto doorashada soo socota; waxaan u soo jeedinay musharixiinta Mudulood in la taageero Dr. Cumar C/qaadir Axmed [Fiqi] oo aan u aragnay inuu yahay musharax leh astaamaha & aqoonta dalkeenu u baahan yahay” Ayuu yiri Dr. Maxamed Cali Faarax, wuxuuna intaasi ku daray in Dr. Fiqi yahay shaqsi raadadka waxqabadkiisa ay muuqdaan, isla markaana kulansaday aqoonta siyaasada, cilmiga diiniga ah & kan maadiga ah.

“Talada maalin bey kula gudboon tahay. Soomaalidu waxay tiraah: Markaan tabar hayey talo ma hayn, haddoon talo hayanna tabar ma hayo!” waxaan rajeynayaa ragga Mudulood in aysan taasi ku dhicin, ayna inta goori goor tahay ay u tashadaan doorashada, kana tashadaan in ay qof u cimaamadaan, annagu markii aan ragga musharixiinta ah qiimeynay Dr. Fiqi ayaa inoola muuqday inuu yahay qofka ugu habboon” Ayuu yiri Ditoor Maxamed Cali Faarax.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post