741 Views

Dowlada Suudaan oo xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, iyadoo ay jiraan isku dhacyo daaal oo ka dhacay Gobolka Tigray

Dowlada Suudaan oo xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, iyadoo ay jiraan isku dhacyo daaal oo ka dhacay Gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Dowlada Suudaan ayaa xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, iyadoo ay jiraan isku dhacyo ka dhacay Gobolka Tigray Taasi oo laga Cabsi qabo in ay u sii gudbi karaan Dhanka Suudaan.

Gobolka Bariga Suudaan ee al-Qadarif ayaa xirtay xadka uu la wadaago Itoobiya, iyada oo xiisad kacsan laga dareemayo gobolka Tigray, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha.

Isku dhacyada oo socda ayaa u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga haya talada gobolka.

Xukuumada Khartoum  ayaa geeyay ciidamo xoojin ah xadka si loo joojiyo Qulqulka wax kasta oo dagaalyahano ah, oo u Gudbi kara dalka Suudaan.

Itoobiya ayaa waxay ku eedaysay kooxda TPLF inay weerareen xero Millateri oo kutaala gobolka, Dhanka kalane Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa amar ku siiyay Ciidanka inay ka hortagaan weeraradaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post