975 Views

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka, Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay dilka Xildhaan Aamina

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka, Jubbaland  Axmed Madoobe oo ka hadlay dilka Xildhaan Aamina
____________________________________________________________________________


Khamiis:March 24, 2022

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledwayne, waxaana uu yiri;

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u Naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Magaalada Beledweyne,

Falalka amni daro ee Sida weyn dalka ugu sii kordhaya oo uu kamid yahay weerarkii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde maanta waxay muujinaysa halista uu dalku ku jiro taas oo u baahan in si wadajir ah loogu istaago samata bixinta dalka,

Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo”.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post