432 Views

Wasiirrada Gaashaandhigga Nato iyo Midowga Yurub oo maanta ku shiraya Jarmalka

Wasiirrada Gaashaandhigga Nato iyo Midowga Yurub oo maanta ku shiraya Jarmalka
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Wasiirrada gaashaandhigga ee gaashaanbuurta Nato iyo dalalka Midowga Yurub ayaa maanta ku shiraya waddanka Jarmalka iyagoo ka wadahadlaya kaalmo milateri oo dheeraad ah oo la siiyo waddanka Ukraine.

Kulankan oo ay ka qeybqaadanayaan wufuud ka kala socota afartan dal, ayaa waxa uu ka dhacayaa saldhigga ciidammada cirka Mareykanka ee Ramstein.

Xoghayaha Gaashaandhigga ee waddanka Mareykanka, LIoyd Austin, ayaa khudbaddii furitaanka waxa uu duullaanka Ruushka iyo gaboodfallada uu dalkaas gaystay ku tilmaamay kuwa aan la difaaci karayn, hasayeeshee waxa uu sheegay in qofkasta oo shirka jooga uu rumaysan yahay suuragalnimada in Ukraine ay dagaalkan ku guulaysanayso.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa maanta waxa uu magaalada Moscow kula kulmayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo Guterres uu isku dayayo in la gaaro xal diblumaasiyadeed, xilli Ruushku uu sii wado duullaankiisa Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post