747 Views

Akhriso:-Xisbiga Muungaab oo eedeyn u jeediyey Madaxda Dowladda

Akhriso:-Xisbiga Muungaab oo eedeyn u jeediyey Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  01- 2019 –Xisbiga uu hoggaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab ee Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka JDP ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ku eedeyeen inay hareer mareen dastuurka dalka,isla markaana Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM u adeegsanayaan arrimo siyaasadeed.

 

Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu cambaareeyey Ciidamo dowladda Itoobiya ay kusoo daad gureysay deegaano katirsan gobolka Gedo iyo Magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo ay sheegeen inay faragelin ku haayaan Arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya.

 

 

 

 “Waxaa wax lala yaabo ah in dowladda Dhexe xilligan halkii ay ka diyaarin laheyd ciidan qaran oo tayo leh taas oo ka mid ah wajibadkii loo igmaday ciidamadaas oo la wareega amniga dalka si looga kaaftoomo sanadka 20202 sii joogitaanka dalka ee Ciidamada AMISOM, balse taas bedelkeed waxa ay bilowday adeegsiga Ciidamada Itoobiya oo ka baxsan sharciga dowliga ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga JDP.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kazoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka JDP.

 

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment