840 Views

Kulamo horudhac u ah Shirka oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Kulamo horudhac u ah Shirka oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda oo iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni ayaa wadajir u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.

Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah AlS-habaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Maaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kula kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyada oo kulamadaasi waxyaabihii kasoo baxay Saxaafadda laga qariyay.

lama oga waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb, iyada oo Xubnaha Beesha Caalamka ay cadaadis ku saarayaan Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay tagaan Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post