357 Views

Ciidanka Somaliland oo diley Wiil dhalinyaro ah iyo dagaal ka dhashay Gudaha magaalada Laascaanood

Ciidanka Somaliland oo diley Wiil dhalinyaro ah iyo dagaal ka dhashay Gudaha magaalada Laascaanood
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 4, 2023

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegay inuu ka dhacay dagaal u dhexeeya Shacabka magaalada iyo Ciidanka maamulka Somaliland,  Waxaana jira  khasaare Dhimasho iyo dhaawac, Iyadoo weli  uu Khadka internetku maqan yahay maalintii 4aad.

Arintan ayaa ka dambaysay  sida wararka sheegayaan kadib markii ciidamada Somaliland ay toogteen Wiil dhalinyaro ah Alle ha u naxariistee.

Shahiidka ay dileen ciidanka Somaliland ayaa la sheegay  inuu ka mid ahaa Ilaalada Ganacsade Maxamed Jabuutaawi.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay dalbanayaan inay ka baxaan ciidanka Somaliland,  Sidoo kale waxaa gobolka ka Bilowday weeraro hubaysan oo looga hortagayo  Ciidanka Somaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post