1095 Views

Dooliyaal sababay in maxaabiis laga raro Xabsi ku yaala dalka Australia

Dooliyaal sababay  in  maxaabiis  laga raro  Xabsi ku yaala   dalka Australia
____________________________________________________________________________

Talaado: June 22 2021

Dooliyaal tiro badan ayaa ku qasbay xabsi ay ku jiraan kumanaan maxaabiis ah gobolka New South Wales ee dalka Australia, in meel kale loo raro. Arrintan ayaa dhacdey mar lagu sameynayey xabsiga nadiifin iyo dayactir.

In ka badan afar boqol oo maxaabiis ah iyo shaqaalihii xarunta dhaqan celinta ee Wellington, ayaa loo rarayaa xabsi kale labadda toddobaad ee inagu soo fool leh.

Dooliyadan oo gaaraya kumanaan kun, ayaa u geystay khasaaro baaxad leh xabsigan marka la eego dhanka dhismaha, gaar ahaan fiilooyinka korontada, darbiyada, iyo saqafka sare.

New South Wales ayaa waxaa soo wajahday dhibaatadii uggu ba’neyd ee ay dooliyo u geystaan in ka badan tobanaan sano.

Dambaska ka harta gurashada Haruurka, ayaa sara u qaadey dooliyada joogga gobolka koonfur bari, kaasoo dhibaatooyin baaxad leh ka geystay bilooyinkii lasoo dhaafey, gaar ahaan dhanka iyo beeraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post