672 Views

Axmed madoobe oo goor dhawayd gaaray magaalada Muqdisho

Axmed madoobe oo goor dhawayd gaaray  magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: June 26 2021

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee Jubaland waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan labada gole ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalayaa shir ay yeelanayaan mas’uuliyiinta Madasha Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda Muqdisho gaaraan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle, halka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu shalay ka degay Muqdisho.

Sidoo kale Shirka Muqdisho ayaa looga hadlayaa howligii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27 May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post