1044 Views

Somalilad: Shaqaale lagu eedeyay inay isticmaalaan Khaad iyo Sigaar oo Shaqada laga eryay

Somalilad: Shaqaale lagu eedeyay inay isticmaalaan Khaad iyo Sigaar oo Shaqada laga eryay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —War kasoo baxay  Guddiga Asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqada laga Eryay Lix Xubnood oo ka tirsanaa Shaqaalaha dam-damiska, kuwaas oo lafu arkay, iyaga oo isticmaalaya Balwada Jaad (Khaad) iyo Sigaar.

 

Lix xubnood ayaa laga eryay ciidanka Dab-demiska Somaliland, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay isticmaaleen Sigaar iyo Qaad.

 

War kasoo baxay Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Gudiga ay baaritaano qarsoodi ah kusoo sameeyeen deegaano dhowr ah oo ay ka howlgallaan Ciidamada Dab-damiska Soomaaliland,isl amarkaana lago ogaaday Shaqaalaha qaarkood ay isticmaalaan Khaadka iyo sigaarka, iyaga oo ku jira Shaqada habeenimo.

 

“Gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar uugu cunayey xili ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi ayaa lgau yiri warka Guddiga”

 

Sidoo kale Gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska ayaa waxaa ay sheegen in Eryida Shaqalaha loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad, Qodobkaas oo lidi ku ah falka ay ku kaceen isla markaana oranaya “ Lama Ogola isticmaalka Balawadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya , Cabaya , Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment