339 Views

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo la baajiyay

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo la baajiyay
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 20, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta baajiyay kulankii ay ku ballansanaayeen Xildhibaannada, kaasi oo lagu dhaarin rabay Madaxweynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ay ku balansanaayeen.

Kulanka ayaa la qabandoonaa maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 21 August sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha.

Tillaabada Baajinta kulanka Golaha ayaa ku soo aadaya xilli dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Hoteel Xayaat oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post