2319 Views

6-Astaamood ee Wararka (NEWS VALUES)

____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 – Si sheeko wareed u noqoto mid ku habboon in la baahiyo waxa ay u baahan tahay in ay war iyo wax lasheego tahay, haddaba Waa maxay War?

Jawaabta Su’aasha “Waa maxay war” waxa ay noqon kartaa, War waa wixii cusub; waa waxa xilligaas la joogo dhacaya, haddii aad eegto/fiiriso sida Qaamuusku u qeexayo War waa “Warbixin kusaabsan dhacdo taagan ama xog aan horay loo ogeyn” balse inta badan waxyaabaha ka dhacaya adduunka maalin walba ma wada aha war lagu daabici karo bogga hore ee Wargeyska ama laga lalin karo Raadiyaha iyo Telefeshinka.

Sidaas awgeed wixii sheeko wareedka kadhigi kara mid xiiso leh (Newsworthy)  ayaa ah Warka lagu daabacayo Wargeyska ama  laga baahinayo Raadiyaha iyo Telefeshinka.

Jawaabta rasmiga ah ee su’aasha “Waa maxay war?” waxa ay kuxiran tahay nuucyada sababaha warka sameeyey, waxaana xadeynaya dhegeystayaasha warkaasi xogta ay rabaan in warku sido iyo su’aalaha ay jawaabaha u doonayaan, waxaa lagayaabaa in Qodob-wareed war weyn ka ah Nayrobi in uusan wax la sheegaba ka ahayn Muqdisho, sidaas awgeed tifaftirayaasha iyo tebiyeyaasha ayay tahay in ay go’aan ka gaaraan nuuca warka ay tahay in laga baahiyo Raadiyaha iyo Telefeshinka ama lagu daabaco websiteka iyo Wargeyska, go’aanka tifaftirayaasha waa in uu kudhisnaado 6-da Astaamood ee tayada warka (News values) ee soosocda.

Cusayb (Timeliness)
War laqabaa xiiso maleh, maahmaahdaas Soomaaliyeed ayaa kufilan qeexidda astaanta koowaad ee looga baahan yahay in ay yeelato sheeko wareedka lagu daabacayo wargeyska ama laga baahinayo Raadiayah iyo Telefeshinka, marka warku ku saabsan yahay doorashooyinka waxa xiiso gaar ah leh in warku cusub yahay ama uu ku saabsan yahay dhacdo hore oo laga helay xog dheeri ah kuna saabsan doorashooyinka, sida warbixinno kusaabsan xisbiyada iyo musharixiinta.

Marka si kooban loo sheegana waxa sheeko wareedka cusub sii xoojinaya:-

In mowduuca warku kusaabsna yahay uu yaha mid taagan
Ay jiraan wax laga baranayo
Ay sax tahay oo ay ku lammaansan ilaha xogtu
Haddii ay sidaas tahay qodob wareedkaasi waxa uu leeyahay xiiso iyo sabab weyn oo loo dhegeyto, loo aqriyo ama loo daawado!

Wargeyska todobaad laha ah  iyo telefeshinka 24-ka saac ee hal war kuwada jiro ama maanta oo dhan ku soo celcelinaya hal sheeko wareed, waxa suuragal ah in warkaas ay muddo todobaad ah u qaataan sida war cusub, tusaale  haddii mowduuca warku kusaabsan uu yahay sheeko socota oo hadba ay waxkusoo kordhayaan ama horumar sameyneysa.

Haddii sheekadu ay qaabkaas u dhigan tahay waxa ay katurjumeysaa oo kajawaabeysaa saddexda su’aalood ee ay tahay in dhegeystayaashu jawaab u helaan 24-ka saac ee maalin iyo habeen, su’aalahaasi waa:

Maxaa cusub?
Maxaa soo kordhay?
Maxaa iska beddelay wixii cusbaa iyo wixii soo kordhay
Dhibaatada ugu weyn ee sheeko wareedka nuxurka kaqaadda ama kala-dhantaasha macnaha warku waxa ay dhacdaa marka mabda’a dabagalku (Follow-ups) uu ka baxo meesha ama ay suxufiyiintu iskaba illoobaan in ay dabagalaan sheekooyinka wararka ah ee la xirira dhacdooyinka waawyen sida doorashooyinka, taasna waa sababta xarumo badan oo warbaahineed ay  u tabar iyo taagdaran yihiin.

Hadalhayn (Currency)
Dadweynuhu ma hadalhayaan sheeko-wareedka?

Doodda Nabadgelyada Muqdisho ee lagu furay kalfadhiga 4aad ee golaha shacabku waxa ay leedahay xiiso weyn iyo hadalhayn badan, sababtuna waa baahida badan ee muwaadiiinta kunool Muqdisho ay u qabaan Nabadgelyo guud oo malaha wax walba kahoreysa.

Haddii dooddaas ay dadweynuhu kubiiraan oo madaxada laamaha dowladdu kaqaybgalaan maalmo dhan ayay noqoneysaa war weyn oo socda, sababtuna waa hadalhaynta iyo muhiimadda ay sheekadu leedahay

Isdiid (Controversy)
Dood iyo kala duwanaansho aragtiyeed  ma ku jiraan sheeko wareedka?

Dadweynuhu haddii ay dood iyo kala duwanaansh aragtiyeed ka sameeyaan sheeko wareedka taasi waa astaan muujineysa in sheekadaasi noqoto war lagu daabaco wargeyska ama laga baahiyo Raadiyaha iyo Telefeshinka.

Bani’aadamku waxa uu xiiseeyaa sheekoyinka doodad iyo kala duwanaanshaha aragtiyeed ay ka taagan yihiin, la isku hayo laguna kala aragti geddisan yahay, waxa uu jecel yahay in uu dhinac kamid ah dhinacyada is haya ku biro ama uu aragti ahaan xoojiyo, kaddibna waxa uu door bidayaa in dhankiisu ku guuleysto doodad, inta badan qof keli ah aragtidiisu ma dhaliso sheeko wareed, waxa ay u baahan tahay in aragti kala duwan oo ka timid dad kala duwan si ay u noqoto sheeko wareed xiiso leh, tusaale ahaan sheekooyinka kusaabsan dhaqaatiir la xarbineysa sidii ay uga guul gaari lahaayeen cudur waa sheeko wareed aad u fiican, sababtuna waa hardanka ku jira sheekada.

Haddii muwaadiniintu waddan isu soo baxaan iyaga oo diiddan ama kacabanaya xeerka doorashooyinka  ama qaanuun caddaalad xumo  uga muuqato sida in xisbiyada qaarkood ay xukuumaddu siiso lacagay ku ololeeyaan kuwa kalan au diiddo   taasina waa sheeko wareed weyn oo xiriir la leh doorashooyinka iyo habka loo maamulay, sheeko wareed walba oo xiriir la leh doorashooyinka ama nolosha dadweynuhu xiiso ayay leedahay.

Caannimo (Prominence)
Sheeko wareedka ma ku lug leeyahay qof caan ah?

Dhacdooyinka caadiga ah kuwo marmar dhaca sida doorashooyika iyo shilalku waxa ay noqon karaan war weyn oo saameyn fiican ama mid xun leh haddii ay ku lugleeyihiin dad caan ah sida Wasiirka koowaad ee xukuumdda ama Jilaa caan ah, haddii shildiyaaradeed ka dhaco mhawada waddan kamid ah adduunka oo rakaabka diyaaradda uu kamid yahay qof qora Muusikada warka shilkaasi waxa uu kusoo baxayaa inta badan warbaahinta adduunka

Haddii xukuumaddu go’aan kaqaadato arrin hadalhaynteedu badan tahay saameynna ku leh dadweynaha go’aankaas warkiisu waxa uu ku soo baxayaa boggogga hore ee Wargeyska, waxa uu kamid noqonayaa wararka ugu waaweyn Raadiayah iyo Telefeshinka.

 

Saameyn (Impact)
Saameyn ma leedahay sheeko wareedku?

Sheeko wareed walba si ay war u noqoto waa in ay yeelato saameyn, waxa ay saameyntaasi noqon kartaa mid fiican iyo mid xun labadabada.

Tusaale ahaan

meeqo qof  ayaa dhacadada laga sameynayo warku ku yeelatay saameyn fiican iyo saameyn xun middood?
Ma dad badan ayaa ku waxyeeloobay mise dhowr qof?
Haddii nidaamka biyah xumaado ama tubbooyinka  magaaladaada biyaha keena oo ay kutiirsan yihiin 20,000 oo qof ay sumoobaan ay wasaqoobaaan warkaasi saameyn weyn ayuu leeyahay sababtuna waa in sumowga iyo wasaqowga biyuhu ay si toos ah u saameynayaan dhegeystayaashaada, Aqristayaashaada iyo daawadeyaashaada.

Warbixinta kusaabsan geerida 10  carruur ah oo kujirta xero barakacayal oo u geeriyootay biyo wasaq ah ama sumeysan oo ay cabeen sidoo kale waxa uu leeyahay saameyn weyn, sababtuna waa dhegeystayaasha oo dareen xoog leh u haya sheekadaas, haddii qof  katirsan shaqaalaha adeegyada bixiya uu jaro adeeggii ma aha warweyn haddii aan jariddaas awgeed aanay korontada ama leyrku u maqnaan saacado.

Ugub (Oddity)
Dhacdada taagan ee larabo in sheeko wareedka laga sameeyo ma tahay mid ugub oo aan horay u dhicin? Tusaale haddii wiil aabihiis ama hooyadiis middood ama labadaba u dilo si kas ah isaga oo filaya ama degdegsanaya si uu hantida u dhaxlo?

WQ: Axmed C. Guutaale

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment