678 Views

Maamul goboleedka Jubbaland oo mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay soo bandhigay..

Maamul goboleedka Jubbaland oo  mowqifkeeda  ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay soo bandhigay..
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mowqifkiisa ku aadan doorashooyinka muranku ka taaganyahay ku faah-faahiyay warsaxaafadeed maanta oo Axad ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaas.

“Heshiiskii September 17, 2020, kaddib waxaa soo baxay cabashooyin ku saleysan sadex qodob, kuwaas oo kala ahaa arrimaha gobolka Gedo, qaabka loo qabanayo doorashooyinka xubnaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka iyo cabashada saamileyda siyaasadda ay ka muujiiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan oo intaas raaciyay;

“Dowladda Federalka ee wakhtigeedu dhammaaday ayaa qaaday tallaabooyin gurracan ee xoog sheegasho aan waafaqsaneyn sharciga oo waxyeello loogu geystay muwaadiniin gudanaya xaqooda dastuuriga ah iyo weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday saamileyda siyaasadda dalka ee ay ugu horreeyaan Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federalka Shariif Xasan Sheekh Aadan”

Jubaland oo sheegtay in dalku uu galay marxalad cakiran waxay warsaxaafadedkeda ku soo koobtay baaqday shan qodob ah, kuwaas oo u qornaa sidan;

  1. Dowladda Federalka ee xilligeedu dhammaaday inay garawsho iyo raalligalin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeellada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileysa siyaasadda dalka;
  2. In la iskugu yimaado shir ay ka soo qeybgalayaan saamileyda siyaasadda dalka;
  3. In goobta uu shirku ka dhacayo noqoto goob amnigeeda lagu kalsoonan karo, mas’uuliyadeedana ay lahaato beesha caamlamku;
  4. In la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas;
  5. In madaxweynaha Federalka ee wakhtigiisu dhammaaday uu ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhammaan saamileysa siyaasadda dalka.

Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in dhinacooda ay muujiyeen tanaasulaad, si xal looga gaaro doorashada 2021.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post