852 Views

Cilmi baarayaal ku sugan Britain oo ogaaday in dadka uu ku dhacay fayraska Corona ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.

Cilmi baarayaal ku sugan  Britain oo  ogaaday  in dadka uu ku dhacay fayraska Corona ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Cilmi baarayaal ku sugan dalka Britain, kuwaas oo baaray diiwaanka ku dhawaad rubac malyuun bukaano ah oo Mareykanka ku nool, ayaa waxa ay ogaadeen in dadka uu ku dhacay fayraska Corona ay u badan tahay inuu ku dhaco xanuunka maskaxda.

Cilmi baarayaashan oo ka socda jaamacadda Oxford, ayaa ogaaday in xanuunka inta badan saamaynaya maskaxda ee ay ka midka yihiin dhiigga maskaxda ku furma iyo isla hadalka, ay ku badan yihiin dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Waxa ay sheegeen, in Covid uusan ahayn kaliya fayras dadka ku dhiba neefsashada, balse sidoo kale uu saameyn toos ah ku leeyahay unugyada maskaxda iyo xididdada dhiigga.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post