1116 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u safraya dalka Mareykanka

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u safraya dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah inay  u amba-baxayaan dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

 

Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

 

 

 

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

 

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu u sii gudbo Magalada Washington,halkaas oo machadka American inter press institute uu ugu qaban doono madal lagu weeydiin doono 10 Su’aalood oo ku saabsan dhinacyada, amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasada iyo waxyaabihii u qabsoomay inta uu xilka haayay iyo qorshihiisa markii uu xilka ka dego.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment