1593 Views

Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii Gaalkacyo

Sheekh Xasan Daahir oo Shabaab ku taageeray weerarkii Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 04, 2018-Wadaadka Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku ah Xabsi guri, ayaa muuqaal uu iska soo duubay oo Baraha Bulshada lagu faafiyay wuxuu kaga hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen 26-kii Bishii la soo dhaafay guri Magaalada Gaalkacyo uu ka daganaaa nin lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare iyo xer dhalinyaro u badan uu halkaasi ku haystay.

Xasan Daahir Aweys, ayaa sheegay in weerarkaasi dadkii fuliyay ay ka farxiyeen shacabka Somaliyed, wuxuuna ku taageeray Shabaab fulinta weerarkaasi oo uu sheegay bulshada Somaliyed inay soo dhaweeyeen.

Waxaa uu tilmaamay Shabaab inkastoo fulinta weerarkaasi ay kaga farxiyeen bulshada, haddana ay sameeyaan xilliyada qaar inay fuliyaan weeraro ay kaga oohiyaan shacabka Somaliyed.

“Qoladii sameysay waa ku ammaanan yihiin, waana dareemayaa Somalida dhan ayaan la wadaagayaa nin kasta oo Islaam ah oo garanaayay ninkaasi & fidnadiisa ay gaartay waa ay ku faraxsan yihiin, wixii ay bi’iyeen oo hadhow marna dadka ka farxiyaan marna ay ka oohinayaan ceebtaasi waa leeyihiin, laakiin acmaashooda ilaahey ayaa ku xisaabayaa.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwanaaday markii uu dhacay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xertii C/wali Cilmi Yare oo 18 qof oo wadaadkaasi, Xaaskiisa iyo carruur uu dhalay ay ku dhinteen weerarkaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment