333 Views

Saddex nin oo qoorta looga jaray degmada Ancuabe ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique

Saddex nin oo qoorta looga jaray degmada Ancuabe ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Shan qof oo daganaa tuulo ka tirsan Mozambique ayaa la dilay, dhowr kalena waa la afduubtay, halka in ka badan 100 aqal lagu gubay labo weerar oo kala duwan oo geysteen kooxaha jihaad doonka ah ee degmada Ancuabe ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Dhacdadii ugu dambeysay, saddex nin ayaa galabnimadii Arbacada qoorta looga jaray tuulada Megaruma, oo qiyaastii 15km u jirta xarunta maamulka ee Metoro.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in isla deegaanka laga afduubtay dad aan tiradooda la sheegin.

Dhacdooyinkas ayaa qalalaaso iyo xiisad ka abuuray deegaanada Megaruma, Metoro iyo deegaanada hoosyimaada.

Goob uu qarax ka dhacay ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, si ay u soo celiyaan nabadda iyo kala dambeynta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post