951 Views

Xasan Sheekh oo sheegay in ay ka qeyb gali doonaan banaanbaxyada

Xasan Sheekh oo sheegay in ay ka qeyb gali doonaan banaanbaxyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Midowga Musharaxiinta ayaa hadda warbaahinta kula hadlaya Muqdisho waxaana qaarkood ay sheegeen in maanta ciidanka dowladda Soomaaliya ay dileen dad shacab ah oo loo baahan yahay in lagula xisaabtamo.

Madaxweynihii hore ee JFS Hassan Sheikh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Musharaxiinta ka qeyb galayaan banaanbaxyada socda ee looga soo horjeedo hanaanka uu doorashada dalka u maamulayo Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan ognahay in Xalay dad masaakiin ah guryahooda loo dhacay iyadoo la leeyahay bannaanbaxa ayey wax ka oogaayeen” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in banaanbaxyo nabadeed ay hoggaamin doonaan tan iyo inta wadanka uu ka dhacaayo isbedel si xal loogu helo khilaafka taagan arimaha doorashada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post