939 Views

Dawlada Shiinaha oo diyaaradihii dagaal ee ugu badnaa u dirtay hawada ismaamulka Taiwan

Dawlada Shiinaha oo  diyaaradihii dagaal ee ugu badnaa u dirtay hawada ismaamulka Taiwan
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Dawlada Shiinaha ayaa diyaaradihii dagaal ee ugu badnaa u dirtay hawada ismaamulka Taiwan halkaasoo ay illaalo ka hayaan.

Wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee qaarkood ay xambaari karaan gantaalaha nukliyeerka loo diray hawada Taiwan si ay u difaacaan.

Mas’uuliyiinta maamulka Taiwan ayaa sheegay in hawadooda illaa shalay ay ku jiraan 38 diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo Shiinuhu leeyahay kuwaasoo caqabad ku ah dulimaadyada rayidka ah.

Dhulka Taiwan oo sheegay inay Shiinaha ka go’een ayay hadda dunida ula dhaqantaa sida dal madax banaan hase ahaatee Shiinaha ayaa aaminsan in dhulkiisa uu willi ka tirsan yahay Taiwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post