846 Views

Kenya oo dib u fureysa xadduuda Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Sabti, 20 June [Qaranimo Online] Sida lagu sheegay wargeyska “Daily nation” dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in ay dib u furto xadduuda ay Soomaaliya kala wadaagto dhanka magaalada Lamu, waxayna taasi ka dambeysay cabasho lixaad leh oo ka timid ganacsatada kalluunka iyo kuwa qaadka oo xaalad adag ay soo foodsaartay.

Sannadkii hore bishii June ayaa la xiray xadduuda markii ay soo bateen weerarada magaaladaasi ay ka gaysanayeen Alshabaab, waxayna ku keentay magaaladaasi inuu yaraado gebi ahaanba dhaqdhaqaaqa ganacsi, iyada oo magaaladu  ku tiirsaneyd ganacsiga qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya iyo ganacsiga kalluunka.

Irungu Macharia, oo ka mid ah mas’uuliyiinta magaaladaasi ayaa sheegay in magaalada Lamu ay kulansatay saamaynta Covid 19 iyo xaduudka Soomaalida oo muddo sannad ah u xirneyd weerarada Alshabaab, isaga oo xusay in dhowaan dib loo furi doono xadduuda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post