1632 Views

NISA oo faahfaahisay dilka Sarkaal ka tirsan Shabaab

NISA oo faahfaahisay dilka Sarkaal ka tirsan Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay duqeyn Mareykanka ka fuliyay maalintii Khamiistii oo ku beegneyd 25 October degaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay xubin Sare oo ka tirsan Shabaab.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkaasi, waxaana ay sheegtay in Gantaal lagu dilay Sarkaalkaasi oo qaabilsanaa dhanka Maaliyadda.

NISA ayaa sheegtay in Sarkaalka dilay lacagta uu soo aruursho lagu dhibaateyn jiray Bulshadda Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA Ma sheegin magaca shaqsigan lagu dilay duqeynta, hase yeeshee war saxaafadeed shalay ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen agagaarka degaanka Kuunyo Barow lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay gaari ay wateen.

“Xubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA.

 

llll

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment