858 Views

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Mas’uul kasoo horjeeday doorashadiisii

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Mas’uul kasoo horjeeday doorashadiisii
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-13-2020–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye kana mid ahaa Musharixiintii Galmudug ee kasoo horjeeday doorashadii Qoor Qoor.

Cabdulalahi Faarax Wehliye Madaxwaynaha ugu hambalyeeyay howlaha uu qabtay isagoo u muujiyay garab taagnaan iyo in uu ka mid yahay siyaasiyiinta la shaqeynaya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa horay ula kulmay musharixiintii iyo Siyaasiyiintii kasoo horjeeday doorashadiisii, kuwaas oo qaarkood xilal looga dhiibay Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post