1029 Views

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir ayaa maanta shir u qabtey dhamaan Maamulada Isboortiga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, kaasi oo looga arinsadey qabashada tartanka kubadda Kolleyga Degmooyinka iyo deegaannada Gobalka Banaadir

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday dardargalinta tartamada bisha barkeysan ee Ramadaan, kuwaas oo ka dhici doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Shirka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Isboortiga Gobalka Banaadir Mudane Wiish waxaana goobjoog ka ahaa madaxda Xiriirka Soomaliyeed kubadda Kolleyga waxaa la isla gartey in tartanka kubadda kolleyga Degmooyinka iyo Deegaannada la qabto 02 June 2022-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post